|
Soomaali la badbaadiyay
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
Ciidamada Midowga Europe ee ka howlgala xeebaha Soomaaliya ee la dagaalama burcad badeedda, ayaa sheegay in ay badbaadiyeen
koox Soomaali.
Waxaa badda gacanka cadmeed uga cararay kooxihii dhoofintooda ka ganacsanayay Waxay sheegeen in ay ku wareejiyeen Khamiistii hay'adda qaxootiga Qaramada midoobay ee ku sugan dalka Jabuuti. 43 Soomaali ah oo ay ku jiraan sagaal dumar ah iyo todoba caruur ah ayaa badda looga cararay markii doontii ay saarnaayeen ay jabtay, sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay ciidamada midowga Europe ee ku jira howlgalka la dagaalanka burcadbadeeda. Waxaa wararku sheegayaa in laba maalmood ay badda dul sabaynayeen iyagoo aan haysan biyo iyo cunto. Waxaa la soo badbaadiyay kadib markii ay dusha ka aragtay helicopter ay leeyihin ciidamada midowga Europe. 24-kii October, ayaa waxaa soo qaaday markab ay leedahay Netherlands oo ku wareejiyay hay'adda qaxootiga. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||