|
Nin dhagax lagu dilay
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Maamulka xarakada al-Shabaab ee gacanta ku haya degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta dhagax ku dilay nin
la sheegay inuu sinneystay.
Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabaas Xuseen Cabdiraxmaan ayaa waxa uu ahaa 33 jir. Dad goob joogayaal ah ayaa BBC u sheegay in marxuum Cabaas salaaddii casar kadib lagu dilay goob fagaare ah oo ku taalla degmada Marka, halkaasi oo maamulku ay keeneen laba kaariko oo dhagxaan ah. Dilkan noocan oo kale ah ayaa dhawr jeer horey looga fuliyay goobaha ay gacanta ku hayaan xakarada al-Shabaab. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||