BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
06 Nofembar, 2009, 11:38 GMT; 14:38 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Muqdisho: Maamul cusub
 
Shariif
Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed
Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta maamul cusub oo KMG ah u magacaabay gobolka Banaadir.

Xafladda lagu magacaabay maamulka oo ka dhacday xaruunta madaxtooyada, ayaa waxaa guddoomiye loogu magacaabay maamulka cusub Cabdirisaaq Maxamed Nuur.

Cabdirisaaq Maxamed Nuur waxa uu ahaanayaa guddoomiyaha gobolka iyo duqa magaalada Muqdisho, isagoo beddelaya guddoomiye Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur, oo horey xilkaasi u hayay.

Maamulka cusub ayaa si ku meel gaar ah u sii haynaya caasimadda Muqdisho, illaa inta laga soo sameynayo sharciga magaalo madaxda ee ku xusan axdiga KMG ah ee Soomaaliya.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin