|
Warbaahinta Africa
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
Urur ay ku bahoobeen hogaamiyayaasha warbaahinta Africa oo loogu magacdaray Africa Media Leadership Forum ayaa kulankoodii
labaad ee sanadle uu uga bilowday magaalada Lagos ee dalka Nigeria.
Waxaa isugu tagay maamulayaasha iyo madaxda warbaahinta dhowr iyo afartan dal. Soomaaliya waxaa matalayay Milkiilaha warbaahinta SBC ee ka howlgasha maamul goboleedka Puntland, Cali Cabdi Awaare. BBC ayuu u sheegay in qorshuhu yahay in milkiilayaasha kale ee warbaahinta Soomaaliya lagu casuumo kulanka sanadaha soo socda. |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||