|
ICC iyo Kenya
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Dacwad oogaha ugu weyn maxkmadda dambiyada dagaalka ee caalamiga ah Luis Moreno-Ocampo ayaa sheegay inuu doonayo in baaritaan
laga bilaabo Kenya.
Waxaa uu sheegay dacwad oogaha in bisha Decembar uu ka codsan doono garsoorayaasha maxkamadda caalamiga in ay ka aqbalaan in uu baaritaano ka bilaabo dalka Kenya, baaritaankaasi oo la xiriira waxa uu ku tilmaamay dambiyo dagaal oo ka dhacay kenya. Waxa uu la hadlay saxaafada ka dib kulan uu la qaatay Madaxweynaha Mwai Kibaki iyo Ra'iisul wasaaraha Raila Odinga. Rabshadihii ka dhacay Kenya waxaa ku dhintay in ka badan 1,300 oo qof, waxaana ku barakacay in ka badan 300, 000 oo kale waxayna noqdeen rabshadihii ugu ba'aan ee soo mara dalka Kenya. Heshiis awood qeybsi ah oo ay saxiixdeen xisbiyaddii ku murmay natiijada doorashada dhamaadkii bishii Febuary ee 2008-da aya waxa lagu soo afjaray dhiigii daadanayey waxayna dhinacyaddi is-hayey ku heshiyeen in si siman ay awooda u qeybsadaan. Guddii loo saaray in uu soo baaro dhibaatada ka dhalatay doorashooyinka ayaa ku taliyey la sameeyo maxkamad gaar ah oo dacwad ku soo oogta shaqsiyaadkii ku lugta lahaa rabshadaha. Liis aan la shaacin, balse la sheegay in ay ku xusan yihiin ugu yaraan 6 wasiir iyo xildhibaano ka tirsan barlamaanka iyo kuwa horey uga tirsanaan jirayba ayaa waxa lagu wareejiyey dacwad oogaha maxkamada caalamiga, laba bilood ka hor. |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||