|
Nin dil lagu xukumayo
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Maxakamad ku taal Garowe ayaa dil ku xukuntay Cumar Maxamed Cusmaan.
Waxaa uu ku eedeysnaa in uu si ulakac ah Garowe ugu dilay Marxuum Cabdi-Barre Axmed Jaamac bishii September ee sannadkan. Cumar Maxamed, isaga ayaa dembiga qirtay sida laga sheegay Maxkamadda. Saddex eedeysani oo kale, oo lagu tuhunsanaa in ay dilka isla marxuumkaas ka qeyb qaateen, ayay Maxkamaddu sii deysay ka dib markay ku qanci weyday caddeymihii la soo hor dhigay. Marxuumkii la dilay qoyskiisa oo Maxkamadda joogay ayaa sheegay in aanay ku qancin go'aanka, inkasta oo aanay sheegin in ay racfaan qaadan doonaan. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||