|
Filimka Nabi Muxammed
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Shirkad warbaahineed oo laga leeyahay dalka Qadar oo maal galineysa sameynta filimka, ayaa sheegtay in qoraalka filimku uu
diyaar noqon doono sanadka soo socda, ka dibna filimka sameyntiisa lagu xijin doono sanadka xigga.
Shiikh Yusuf Al qardaawi oo ah caalim ku xeel dheer arrimaha Islaamka, ayaa loo shaqaaleeyay in uu la socdo kooxda cilmi baarista sameyneysa, si la xaqiiqsado in taariikhda iyo arrima diinta Islaamka si sax ah wax looga diyaariyay. Waxuu sheegay shiikhu, in uu filimku noqon doono fursad looga hadlo fariinta nabadeed ee uu Nabi maxamed nabad iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, uu keeney aduunka.
Barrie Osborne oo ah nin maraykan ah oo filmka sameeya, ayaa sheegay in Filimkan la qorsheeyay ayaa waxaa uu qeyb ka yahay, mashruucyada badan oo ugu danbeeyay ee la sameeyay dhowrkii sanadood ee ugu danbeeyay iyadoo hal ujeedu maanka lagu haayo. Taas oo ah in Islaamka laga difaaco qaloocinta reer galbeedka. Arragtida la xiriirta in Islaamka fikir khalad ah iyo faham xumo in ay ka qabaan reer galabeedka ayaa ah mid muddo badan soo jirtay. Hase ahaatee waxaa sii dardar galiyay dhowrkii sanadood ee ugu danbeeyay, xoog ku qabsashada uu Mareykanku horseedka ka yahay ee dalalka Afqanitaan iyo Ciraaq. Buuqii ka dhashay sawir gacmeedyadii dalka Denmark, ee meel ka dhaca ku ahaa Nabi Moxamed (NNK) ayaa iyana dabka bansiin ku sii shiday dareenka fahanxumadda ah iyo sida aan cadaaladda aheyn ee loola dhaqmay Islaamka. Filimkan cusub, ayaa waxaa uu noqonayaa kii labaad ee noociisa ah oo loogu talo galayo dadka caalamka si looga jawaabo dhinac u janjeerka reer galbeedka ee arrimaha Islaamka. 1976kii, filim la yiraahdo Fariinta oo uu jilayay Athony Quin ayaa la soo saaray waxaa dhacay buuq la xiriiray in uu filimku ku xadgudbay mamnuucida matalida suuradda Nabiga. In ku dhow sodon sanadood ka dib, ninkii u dhashay dalka Suuriya ee filimka sameeyay, Mostafa Al Caqaad ayaa waxaa uu ka mid ahaa dadkii lagu dilay weeraradii dhowrka ahaa ee argagixiso ee lagu qaaday dalka Urdun. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||