BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Rabshado ka dhacay Buuhoodle
 
Somaliland Map
Khariidadda Somaliland
Mudaharaadyo rabshado wata oo 3 arday ku dhaawacmeen ayaa maanta ka dhacay magaalda Buuhoodle.

Rabshadaha ayaa waxa ay ka dhasheen ka dib markii ciidamada nabadgalayada Somaliland ay weerar ku qaadeen Hotel uu degenaa nin ay mas'uuliyiintu sheegeen in uu ka hadlay idaacad magaalda kutaala isaga oo sheegtay in uu ka danbeeyey qaraxii laascaanood ee lagu dilay taliyihii laascaanood iyo ciidan lasocday.

Sida uu sheegayo weriyaha BBCd ee gobolka Xuseen Aw Jaamac Jibril Xagar, ciidamada Somaliland ayaa markii ay weerareen ninkii ayaa waxaa lasheegay in ay iska caabiyeen ilaaladiisii taas oo keentay in uu fakado ninkii ay baadi doonayeen ciidamadu.

Dabadeedna dad mudaharaadaya ayaa dhagxaan ku tuuryeeyey ciidamada iyagoo ku dhawaaqayey Somaliland dooni meyno.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin