|
Puntland oo xisaabtameysa
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Kalfadhigii 23 aad ee barlamanka Puntlnad ayaa maanta (Sabti) ka furmay Garowe.
Kulanka maanta waxaa lagu soo qaaday arrimo kala duwan oo ay ugu muhimsan yihiin ajandaha horyaalla kalfadhiga kuwaas oo ay ka mid yihiin la xisaabtanka hay’adaha dawladda oo mid walba la horkeeni doono golaha. Ujeeddada taas ka dambaysa waxaa lagu sheegay inay dawo u tahay shaqo-wadareedka golayaasha dawladda iyo in la helo xisaabtan dhab ah oo ku aaddan wixii qabsoomay iyo wixii aan qabsoomin iyo sababta ay u qabsoomi waayeen. Waxaa kale oo kalfadhigan lagu wadaa in la horkeeno miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2010 taas oo sida la sheegay hadda gacanta lagu hayo dhammaystirkeeda, sidoo kale dhammaysirka dastuurka ayaa isna ka mid noqon doona qodobbada lagu lafaguri doono kalfadhigan. Guddoomiyaha barlamanka Puntland Cabdirashiid Max’ed Xirsi ayaa u jeediyay xukuumadda codsi ku saabsan in barlamanka loo soo gudbiyo hay’adaha dawladda oo qayb-qayb isugu xiran si ay u fududaato la xisaabtanka dawladda. Weedha Madaxweynaha Arrimaha ugu muhimsan ee Cabdiraxmaan Sh. Maxamed ka warramay waxaa ka mid ah hawlihii nabadgelyada ee gobollada Mudug iyo Bari iyo in xukuumaddu ay culays badan saartay waqti badana ay u hurtay kuwaas oo uu ku tilmaamay in markii dambe laga gaaray go’aanno. Madaxwaynahu wuxuu kale oo soo qaaday arrimaha burcad-badeedka ka hawlgala xeebaha Puntland wuxuuna tilmaamay in waqtigan ay aad hoos ugu dhaceen hawlgalladii burcadda ee xeebaha ku dherersan Puntland ka dib markii in badan oo burcadda ka mid ah gacanta lagu dhigay ka dibna la xukumay oo ay xabsiyada ku jiraan. Dadka tahriibka ah ee ka soo barakacay colaadaha ka taagan gobollada koofureed ee Soomaaliya iyo kuwa ka imaanaya Ethiopia ayuu sheegay inay culays xoog leh ku hayaan degmooyinka Puntland ee ay ku sugan yihiin. Qaxootiyada ayuu tilmaamay inay sababeen dhibaatooyin saameeyey dhinacyada caafimaadka iyo degaanka isagoo intaas ku daray in la soo gaaray waqtigii baadigoob loo geli lahaa sidii loo xallin lahaa culayska qaxootiyada iyada oo lala kaashanayo beesha caalamka gaar ahaana hay’adaha Qaramada Midoobay. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||