|
Daawo wareysiga
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Inta ku taxan barta internetka ee BBCSomali.com ayaa Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu oggolaaday in ay su'aalo soo weydiiyaan.
Waxaan helnay boqollaal email. Markii aan xulnay oo intii is raaci karta aan is xijinnay, ayaan su'aalahaas waxaa Ra'iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid weydiiyay Yusuf-Garaad. Halkan ka daawo jawaabaha Raiisal Wasaaraha: Dowladdu maxay qabatay ilaa iyo hadda?
Madaxweynaha, Raiisal Wasaaraha iyo Wasiirradu maxay dibadda u wareegaan iyaga oo hawshoodii dalku ay dayacan tahay?
Maanta waxaa Muqdisho ku dhintay ugu yaraan 6 ruux ka dib markii ay madaafiic isweydaarsadeen AMISOM iyo kooxaha ka soo horjeeda. Sababta oo ah Madaxweynaha ayaa imaanayay. Maalintii Madaxweynaha iyo Raiisal Wasaaruhu ay dalka ka soo baxayeen tobannaan ruux ayaa tabtaa u dhintay. Mudane Cumar Cabdirashiid maxaad ka qabtaa arrintaa?
Shareecada goorma ayaad si dhab u hirgelin doontaan?
Ma dhabbaa in aad isbeddel ku sameyneyso golahaaga wasiirrada oo aad soo koobi doonto?
Somaliland maxaad ka qabtaa?
Dad badan ayaa Soomaaliya afduub loogu haystaa, waxaa u dambeeyay laba British ah oo burcad badeed Soomaaliyeed ay qafaasheen. Maxaad wax uga qaban weydeen arrinkaas?
Lacag la'aan ayaa dowladda haysa ayaa la yiri. Bal noo faahfaahi.
Farriinta Ra'iisal Wasaare, Cumar Cabdirashiid C. Sharmarke maxay tahay?
|
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||