|
Toogashada Al-Shabaab
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Xarakada Al-Shabaab, ayaa saaka meel fagaara ah ku toogtay labo nin oo dhalinyara ah.
Labada dhalinyarada ah, ayaa lagu eedeeyay fal basaasnimo in ay ku howlanaayeen. Alshabab waxay sheegtay in labada nin laga dhex qabtay gobolka Sh/hoose sadax bilood ka hor. Shiikh magaciisa ku soo gaabiyay Shiikh Suldaan oo suxufiyiinta la hadlay dilka kadib, ayaa sheegay in labada nin ay ku cadaatay danbiga loo dilay iyagana ay qirteen. Waxaa uu sheegay in xukunka dilka labada dhalinyada la waafajiyay sida uu qabo sharciga islaamka . Faahfaahin lagama bixin waxa ay basaasayeen labada nin iyo cidda ay u basaasayeenba, waxana la sheegay oo kaliya in ay caddeymo iyo qiraalba loo hayo dambigooda. Labada nin ayaa midkood la sheegay in uu ka tagay Muqdisho ka hor inta aaney Alshabab xirin, kan kalana waxa uu ahaa dadka deggan degmada Merka. Ma cadda in ay jirto qareen ama cid loo ogol yahay in ay u dooddo dadka ay Alshabab danbiyada ku eedeeyaan, waxana xukunka goysa maxkamad ay Al-Shabaab leedahay. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||