|
Museveni oo shabaab u digay
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Madaxweynaha Uganda, Yuweri Museveni, ayaa maanta jawaab kulul ka bixiyay hanjabaadda Shabaab ee ku wajahan in ay weerari
doonaan Kampala iyo Bujumbura iyaga oo jawaab uga dhigaya dadka lagu dilay Muqdisho. Museveni jawaabtiisa oo aan sideeda u
soo gudbinnay waa tan:
Argagixisadaas waxaan kula talin lahaa in ay culeyska saaraan dhibaatooyinkooda. Hadday isku dayaan in ay weeraraan Uganda, cawaaqib xumo ayay kala kulmi doonaan, sababta oo ah waan naqaan sida loo weeraro kuwii na weerara. Waa in aad u sheegtaan in aanay cirka ku nooleyn. Hadday dayaxa degganaan lahaayeen xorriyad ayay haysan lahaayeen. Laakiin inta ay dhulka joogaan, iskuna dayaan weerar ulakac ah in ay nagu qaadaan, jawaabtiisa ayay heli doonaan. Waa in ay culeyska saaraan dhibaatada Soomaaliya. Ma aragno sababta loogu baahan yahay in Soomaaliya la isku dilo. Waa in ay joojiyaan dhibaatooyinka ay abuurayaan, si ay dowladda KMG-ka ahi ay barnaamijkeeda u hirgeliso. Doorasho u qaban qaabiso. Markaa hadday doonayaan in ay awoodda qabtaan, waxay ku heli karaan in dadku iyaga doorto. Laakiin in ay qoryaha qaadaan oo ay yiraahdaan Soomaali baan dileynaa, annagana noo hanjabaan hadday dan moodeen, waxaan u sheegayaa in ay habowsan yihiin. Waxay heli doonaan ciqaabta ay raadsanayaan. Soomaaliya annagu waxaan joognaa uun meelaha aan joogno, gegida dayaaradaha iyo Madaxtooyada. Annagu weerar ma ihin. Marka hadday yiraahdaan waxaan rabnaa in aan nimaadno Kampala ee aan dadka ugu dilno sida aan ugu dileyno Soomaaliya oo kale, markaas, waan naqaannaa meesha aan ka heli karno iyaga. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||