|
Qeylo dhaanta dowladda Ethiopia
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Dowladda Ethiopia ayaa weydiisatay gargaar cunto oo deg deg ah oo ay u baahan yihiin Lix million oo qof.
Abaar ka jirta geeska Africa ayaa sababtay cunto yari ba'an oo soo food saartay gobolka . Hey'adda cuntada ee Qaramada Midoobay WFP ayaa sheegtay inay in ka badan 80 million, ay wel ka dhiman tahay cuntadii ay ugu tala gashay Ethiopia ilaa sanadkan dhamaadkiisa. Warbixint ayaa ku soo aaday sanadguuradii 25aad markii Ethiopia ay ka dhacday cunto la'aan aad u weyn. Hey'adda samafalka ee Oxfam ayaa sheegtay in cunto hadda la keeno inay nolol badan badbaadinayso, laakiin aysan dadka u diyaarinayn cunto la'aanta mustaqbalka |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||