BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
09 Octobar, 2009, 18:11 GMT; 21:11 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Dhibaatada abaaraha ku dhuftay dalka
 

 
 
Arri
Abaartu waxa ay si weyn uu saameysay xoolaha dadku dhaqdo
Barnaamijka Falanqeynta ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay dhibaatooyinka ay sababeen abaaraha ba'an ee ku dhiftay qeybo badan oo ka mid ah dhulka ay Soomaalidu degto.

Barnaamijka oo ay warbixino xaaladda gobolada qaar kaga waramayaan weriyayaasha BBC-da, ayaa waxaa ka qeybqaadanaya Shiikh Axmed Cabdisalaan oo ka tirsan guddiga gurmadka deg dega ah ee gobolada Baay iyo Bakool.

Waxaa sidoo kale ka qeybgalaya Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed oo Agaasime ka ah hey'ad ka dhaqaysa maareynta masiibooyinka oo la yiraahdo HADMA oo fadhigeedu yahay magaalada Garoowe.

Waxaa isna magaalada Hargeysa jooga oo ka qeybgalaya Cabdiraxmaan Shiikh Cali Jowhar oo ah agaasimaha waaxda biyaha ee wasaaradda macdanta iyo biyaha ee Somaliland.

Waxay dhamaantood ka warbixinayaan heerka abaartu ay gaarsiisan tahay iyo dhibaatada taagan, iyo sida ay suurtagalka u tahay inay dadku ugu sii diyaargaroobaan xilliyada nolosha adag.

Sidoo kale abaarta ka jirta gobolka waxa ay saameeysan Soomaalida ku nool waddanka Kenya gaar ahaan gobolka waqooyi bari ee Soomaalidu ay degto, halkaasi oo nolosha xoolaha iyo dadkaba ay saameysay.

Weriyaha BBC ee Gaarisa Bashkas ayaa dhawaan tagay deegaannada ay abaaruhu saameeyeen oo ka wareystay qaar ka mid ah dadka sida ay u saameysay abaarta iyo biyo la'aanta.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin