http://www.bbcsomali.com

31 Agoosto, 2009, 16:55 GMT; 19:55 SGA

Dad Talyaanigu ku celiyay Libya

Dhowr iyo todobaatan qof, oo saarnaa doon ay doonayeen in ay ku galaan xeebaha dalka Talyaaniga, ayaa ciidamada badda Talyaanigu dib ugu celiyeen xeebaha dalka Libya.

Si aan faahfaahin uga helno warkaas, ayaa telefoonka kula xiriiray weriyaha BBC-da ee Rome, dalka Talyaaniga, Aadan Sabriye.

Cabdiraxmaan Koronto, ayaa waydiiyay waxa uu ka sheegi karo dib u celinta dadka ee xeebaha Libya lagu geeyay.

Aadan Sabriye

Markaas kadib ayay BBC-du u suuragashay in ay telefoonka ku hesho qaar ka mid ah dadka magangalyo doonka ah ee dowladda Talyaanig adib ugu soo celisay xeebaha Libya, kuwaas oo wali dul saaran markabka.

Dadka

Maxamed Maxamuud Cadde, ayaa la hadlay qaar ka mid ah, oo uga waramay xaaladda ay ku sugan yihiin iyo waxyaabaha ay ka cabanayaan.