BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
21 Agoosto, 2009, 17:48 GMT; 20:48 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Shiikh Maxamed Macallin
 

 
 
Kabcada
Kabcada
Sannadkii 1994, waxaa magaaladan London soo booqday Shiikh Maxamed Macallin Xasan, oo Allaha u raxmadee ka mid ah Shiyuukhda ugu magaca weyn Soomaaliya.

Shiikh Maxamed, waxaan ku marti qaadnay Studiyaha Bush House. Waxaana wareysi dheer oo berigaaa laba qeybood u qeybsanaa ka qaaday Maxamud Shiikh Dalmar.

Wareysiga Hore Shiikha waxaan wax ka qeydiinnay taariikhda noloshiisa iyo aqoontiisa. Qeybta labaadna waxaan ku soo qaadannay waxa Islaamku ka qabo masaa'il caalamka ka taagnayd wakhtigaas, qaarkoodna weli ka taagan yahay.

Labadaa wareysi oo isdaba yaalla ayaan galabta ku soo qaadan doonnaa barnaamijka Falanqeynta Jimcaha. Waxaa xigi Diini Shiikh Dirir oo bixin doona cashar ku saabsan Bisha barakeysan ee Ramadan oo aan dhakhso u guda geli doonno qofkii Ilaahay cimri u siiyo.

Waxaan sidoo kale barnaamijka kusoo qaadeynaa waajibaadka bisha Barakeysan ee Ramadan.

Shiikh Maxamed Cumar Dirir, ayaa magaalada Hargeysa waxaa uu ugu warramay weriyaha BBC-da, Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Waxaa uu Shiikh Dirir jawaabihiisa ku billaabay, in uu fasiro qofka soonku ku waajibay midka uu yahay.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin