BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
14 Agoosto, 2009, 19:36 GMT; 22:36 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Muranka xagga diiwaan gelinta
 
Madaxweyne Rayaale
Madaxweyne rayaale waxa uu sheegay in diiwaan gelin la'aan la gelayo doorashada
Beryahan Soomaalilaand waxa ka jiray muran xagga siyaasadda ah oo ku saabsanaa diiwaagelinta dadka la doonayey inay codkooda ka dhiibtaan doorshada Madaxtooyada Soomaalilaand oo la goostay in la qabto bisha September 27-keeda.

Diiwaangelintaasi wixii ka soo baxay, waxa ku gacan sayray dhinaca Xukuumada iyo xisbiga talada haya ee UDUB.

Waxa kale oo muranka arrintaasi ka dhashay uu keenay in Somaaliland laga eryo wakiilkii haya'adda Interpeace oo xagga farsamada kala talinaysay guddiga doorashada ee Soomaalilaand ka dib markii guddiga Doorashu ay codsatay in dalka laga saaro wakiilkii Interpeace Mr Samora.

Golaha Baarlamaanka ee Soomaaliland ayaa iyaguna taageeray mowqifka axsaabta mucaaradka ee Kulmiya iyo UCID oo doonaya in diiwaagelinta la sameeyey la meelmariyo taas oo ay diiday xukuumadu iyada oo sheegtay in diiwaangelintaasi aanay sax ahayn oo aan la adeegsan karin.

k
Guddoomiyaha gudiga doorashada Somaliland

Muranka arrintaas ku saabsani weli inta la ogyahay ma demin, mana muuqato ilaa iminka wax muujinaya in labada dhinaca ay isku soo dhawaadeen oo qolona ay halkeedii ka soo degtay.

Barnaamijka Falanqaynta jimcaha waxa maanta marti noogu ah: Wasiiru-dawlaha arrimaha gudaha ee Soomaaliland Xassan Axmed Ducaale oo isla markaasna ah ku-simaha wasaaradda madaxtooyada.

Cabdicasiis Maxamed Samaale Guddimiye ku-xigeenka kowaad ee golaha Baarlamaanka ee Soomaaliland kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Kulmiye iyo Professor Maxamed Xaashi Dhamac ( Gaariye).

Waxa kale oo aad ku maqli doontaan rayiga murankaasi dhegaystayaasha qaarkooda ay ka qabaan.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin