|
Muranka liiska diiwaan gelinta Somaliland
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Doorashada Madaxweynanimada ee Soomaalilaand oo la filayo in la qabto 27 September iyadoo la adeegsanayo diiwaangelinta dadka
codkooda dhiibanaya oo muddo dheer hawshaasi la soo waday, ayaa haatan muran ka dhashay in la adeegsado diiwaangelintii la
sameeyey ee xagga cod-bixiyayaasha.
Taasina waxay keentay in Somaliland laga eryo wakiilkii Haya'adda Interpeace Samoro ka dib markii Guddiga Doorashada ee Soomaalilaand ay codsadeen. Haatanna Muranka taagani waxa weeye in doorashada lagu qabto hababkii hore Soomaaliland ay u soo adeegsatay ee aan ku salaysnayn diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo in la adeegsado tirakood codbixiyayaal la diiwaageliyey oo ay muuqato in aan la isku raacsanayn. Barnaamijka Falanqaynta waa ka qeybgalaya Guddoomiyaha Guddida Doorashadda ee Soomaalilaand- Jaamac Maxamuud Cumar, Shukri Xaaji Bandare oo ka mid ahayd Xubnihii guddidii hore ee Doorashooyinkii ka dhacay Soomaalilaand, xubno kale iyo dadweynaha. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||