http://www.bbcsomali.com

17 Julaay, 2009, 14:24 GMT; 17:24 SGA

Axmed Saciid Cige
BBC Hargeysa

Qarashkii doorashooyinka oo la hakiyay

Wararka ka imanaya magalaada Hargeyasa ayaa sheegaya in hey'adda Inter-Peace, oo xagga farsamada ka taageerta Gudiga Doorashada ee Somaliland ay hakisay lacagtii ay hanaanka doorasahada ugu tala gashay.

Hey'adda ayaa wararku sheegayaan inay soo bandhigtay shuruudo ay dooneyso in la fuliyo.

Guddoomiyaha

Guddoomiyaha guddiga doorashada ee Somaliland, Jaamac Maxamuud Cumar, oo aan ka wareysanay ayaa sheegay in lacagtu ay tahay mid mar hore loogu deeqay doorashada, laakiin ay ku xireen arrimo ay ka mid ah tahay xagga nabadgelyada oo uu sheegay in dowladda laga filayo qorshe ku saabsan ammaanka.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in doorashadu ay sidii ay ugu tala galeen xilligii loo qabtay ay u dhici doonto, isagoo intaa raaciyay inay heleen qarashka qeybtii ay dowladdu bixin lahayd oo ahaa 25%.