http://www.bbcsomali.com

14 Julaay, 2009, 10:57 GMT; 13:57 SGA

Laba ajnabi ah oo lagu afduubay Soomaaliya

Laba qof oo ajnabi ah oo loo malaynayo in ay yihiin Faransiis, ayaa saaka lagu afduubay magaalada Muqdisho.

Rag hubaysan oo saarnaa laba baabuur, ayaa ragan kala baxay qolkii ay ka deganaayeen Hotel-ka Saxafi ee magaalada Muqdisho oo ku yaalla meel dhowr meter u jirta isgoyska KM4 oo ay degan yihiin ciidamada midowga Africa.

Laba xaqiijin karo ilaa hadda cidda ay ahaayeen afduubayaasha.

Wararka, ayaa sheegaya in ay labada ajnabiga ah ay maamulka hoteelka u sheegeen in ay yihiin suxufiyiin, balse ilo xog ogaal ah, ayaa sheegay in ay ahaayeen saraakiil military.