11 Julaay, 2009, 18:42 GMT; 21:42 SGA
Axmed Saciid Cige
BBC Hargeysa
Maamulka Somaliland ayaa shir deg deg ah oo maanta ay yeesheen waxa ay ka hadleen xaaladda rabshado ka dhacay deegaanja Ceel Bardaale ee degmooyinka Gabiley iyo Boorama, oo ay shan qof ku dhinteen.
Kulanka ayaa waxa laga soo saaray go'aamo la xiriira sidii wax looga qaban lahaa rabshadahaasi ka dhacay dhul beereedka deegaanka Ceer Bardaale.
Rabshadahan ayaa waxa ay ka bilowdeen dhul beereed ay isku hayaan laba beelood oo dega deegaankaasi.
Dhinaca kale guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo ka hadlay rabshadaha ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin rabshadahaasi, isla markaana uu ugu baaqayo dadka deegaankaasi ku nool inay ka shaqeeyaan nabadda.