http://www.bbcsomali.com

06 Julaay, 2009, 11:42 GMT; 14:42 SGA

Madaxweyne Shariif oo ku sugan Ethiopia

Madaxweynaha KMG ah ee dowladda Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa ee waddanka Ethiopia.

Shariif Xasan

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya , ahna Wasiirka Maaliyadda, Shariif Xasan Shiikh Aadan, oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha ayaa BBC uga waramay socdaalka wafdiga oo uu ku tilmaamay mid ay ku marayaan wadamada IGAD caasimadahooda.

Danjiraha Soomaaliya ee Addis Ababa, Saciid Yusuf, ayaa isna safarka Madaxweynaha, Soomaaliya Shariif Shiikh Amed, uu ku joogo Addis Ababa faahfaahin ka siiyay BBC.

Danjiraha Addis Ababa

Madaxweyne Shiikh Shariif waxaa uu maanta Addis Ababa kula kulmay Danjiraha Shiinaha u fadhiya, Addis Ababa iyo Wakiilka Kenya ee qaabbilsan IGAD iyo Danjiraha Sweden iyo Wakiilka Midowga Yurub.

Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed, iyo wafdigiisa ayaa horey u soo maray dalka Djibouti, oo halkaasi uu ku qaabilay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed wuxuu hore uga qeyb galay shirkii Midowga Afrika ee dhawaan lagu qabtay, magaalada Sirte ee dalka Libya.

Madaxweynuhu wuxuu ku socdaa dayaarad laga leeyahay Libya, oo hoggaamiyaha Libya hore ugu soo diray Nairobi si Madaxweynaha Soomaaliya loo geeyo Libya.