http://www.bbcsomali.com

01 Julaay, 2009, 19:42 GMT; 22:42 SGA

Dagaal culus oo ka socda Muqdisho

Dagaal culus ayaa waxa uu maanta ka soconyaa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka waxa uu u dhaxeeyaa ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa mucaaradka ee ka horjeeda.

Dagaalka maanta ayaa waxa ku dhintay inta la ogyhay ilaa 5 ruux in ka badan 20 kalana waa ay ku dhaawcmeen dagaalka oo aad u xogeystay duhurnimadii.

Waxaa la isku adeegsanayaa madaafiic gaareysa degmooyinka dariska la ah degmada Kaaraan waxana uu dab qabsaday kaalin shidaal oo ku yaalla degmada Kaaraan ee ay dagaalada ka socdaan.

Agaasimaha isbitalka Madiina Daahir Dheere waxa uu BBCda u sheegay in 70 qof oo dhaawacyo qabo isbitalkooda la keenay ilaa iyo shalay galinkii danbe oo dagaalladu dib u qarxeen.

Xaafadahaasi ayaa u badan goobo ay dadka rayidku ku yar yihiin oo ay ka qaxeen, sida ay ku waramayaan dad ku sugan degmooyinka Kaaraan iyo Yaqshiid waxa jira dhaawacyo laga saarayo aagga hore ee dagaalka.