|
Samafalayaal laga afduubay Mandera
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Saddex ruux oo u shaqeynayay Samafalka ah ee hey'adda Action Against Hunger (ACF) ayaa laga Mendera, oo ku taal Kenya waxaana
loola tallaabay dhinaca Soomaaliya.
Saddexda la af duubay waxay ka shaqeynayeen hawlaha samafalka ee hey'addoodu ay ka waddo dalka Kenya. Dadka la af duubay waxay u dhasheen dalalka Zimbabwe iyo Pakistan iyo nin reer galbeed loo maleynayo oo aan dhalashadiisa la dheegin. ACF waa hey'ad samafal ah oo xarunteedu tahay dalka Faranasiiska, kana shaqeysa dalal badan. Guddoomiyaha Degmada Beled Xaawo, Shiikh Adan Maxamed Barre, ayaa BBC-da u sheegay in shaqaalahaas samaflka ee la af duubay loola gudbay dhinaca Soomaaliya. Wuxuu intaa ku daray Guddoomiyuhu in uu ciidan ka daba diray, rajana laga qabo in la soo samata bixiyo raggaas. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in maamulkiisa iyo dowladda Kenya uu ka dhexeeyo heshiis ah in ammaanka degaanka la iska kaashado. Beled Xaawo waxaa gacanta ku haya kooxda Shabaab al Mujaahiddiin. Ma aha markii ugu horreysay ee dabley ka timid Soomaaliya ay u tallaabaan dhinaca Kenya oo ay falal noocan ah geystaan. Hadda ka hor laba haween ah oo Talyaani ah oo samafal ka shaqeynayay ayaa laga afduubay Kenya oo loola tallaabay Soomaaliya. Mar kale waxaa la dhacay gawaari ay lahaayeen hey'ado samafl ah. Falalka noocan ahi inta badan waxay ka dhacaan Mandera iyo magaalada kale ee soohdinta ku taalla ee Ceel Waaq. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||