|
 |
|
| Guddoomiyaha guddiga doorashada Somaliland Jaamac Maxamuud Cumar |
Wararka ka imanaya magalaada Hargeyasa ayaa sheegaya in hey'adda Inter-Peace, oo xagga farsamada ka taageerta Gudiga Doorashada
ee Somaliland ay hakisay lacagtii ay hanaanka doorasahada ugu tala gashay.
Hey'adda ayaa wararku sheegayaan inay soo bandhigtay shuruudo ay dooneyso in la fuliyo.
Guddoomiyaha guddiga doorashada ee Somaliland, Jaamac Maxamuud Cumar, oo aan ka wareysanay ayaa sheegay in lacagtu ay tahay
mid mar hore loogu deeqay doorashada, laakiin ay ku xireen arrimo ay ka mid ah tahay xagga nabadgelyada oo uu sheegay in dowladda
laga filayo qorshe ku saabsan ammaanka.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in doorashadu ay sidii ay ugu tala galeen xilligii loo qabtay ay u dhici doonto, isagoo intaa
raaciyay inay heleen qarashka qeybtii ay dowladdu bixin lahayd oo ahaa 25%.
|