BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
17 Julaay, 2009, 10:08 GMT; 13:08 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Socdaalka Barack Obama ee Ghana
 

 
 
Obama
Obama waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Ghana
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa tegay waddanka Ghana maanta taasi oo ah booqashadiisii ugu horeysay ee wadamada Saxaraha ka hooseeya, Soo dhaweyn weyn ayaa ka muuqata magaalada caasimadda ah ee Accra.

Haddaba sidee loo arkaa booqashada Madaxweyne Obama maxayna ku soo kordhin kartaa qaaradda Afrika, barnaamijka Falanqeynta waxaan ku soo qaadan doonaa arintaasi.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa waxaa uu khudbad ka jeediyay baarlamaanka waddanka Ghana taasi oo uu uga hadlay siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Afrika.

Obama oo muddo gaaban joogi doona waddanka Ghana ayaa waxa uu booqan doonaa goobo dhar ah oo taariikh ku leh waddankaasi, oo ay ka mid tahay goobtii laga dhoofin jiray dadka madow xilligii adoonsiga.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin