|
Labo Faransiis ah oo u gacan galay Shabaab
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Labo Faransiis ah oo ahaa la- taliyeyaal xagga ammaanka ah, oo Muqdisho lagu afduubay maalintii Talaadadii ee toddobaadkan
ayaa wararku sheegayaan in hadda ay galeen gacanta al-Shabaab.
Labada nin ayaa waxaa lagu hayay xaafad ku taalla agagaarka Baar Ubax oo ku yaalla Degmada Hawl Wadaag. Waxaa gacanta ku hayay nimankii hubeysaa ee markii horeba ka soo afduubay Hoteelka. Laakiin waxaa ku wargeesanaa ciidammo ka socda labada urur-diimeed ee Shabaab ala Mujaahiddiin iyo Xisbul Islaam, oo iyagu isku mari waayay labadooda urur midka ay tahay in uu ka arrimiyo waxa laga yeelayo labada Faransiiska ah. Xisbu Islaam iyo Shabaab oo BBC-du la xiriirtay ayaa labaduba ka gaabsaday in ay wax ku saabsan af duubka ay ka hadlaan. Dadaal xoog leh ayaa socda oo la doonayo in lagu sii daayo nimankan. Labada nin ee Faransiisku waxay tababbar xagga ammaanka ah siin lahaayeen ciidammada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ilaalin lahaa Madaxweynaha, Shiikh Shariif Shiikh Axmed, oo ilaa iyo hadda AMISOM aan ka kaaftoomin AMISOM. In labada nin ee dowladda martida u ah laga soo af duubay Hoteelkii ay deggaanaayeen oo ku yaalla xaafad ay dowladdu gacanta ku hayso, waxay noqotay su'aal aan la fasiri karin sida ay ku dhacday. Hoteelka laga kaxaystay labada Faransiiska ah waxaa deggan in ka badan 10 Wasiir oo markaa ku sugnaa Hoteelka. Waxay dowladdu ku tilmaantay in aan ciidanka dowladdu wax lug ah ku lahayn af duubka. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||