BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
15 Julaay, 2009, 19:13 GMT; 22:13 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Afduubka 2 Faransiiska ee Muqdisho
 
Hotel Saxafi oo laga afduubay labada nin
Hotel Saxafi oo laga afduubay labada nin
Wararka ka imaanaya Soomaaliya, ayaa sheegay in laba la taliyayaal Faransiis ah oo lagu afduubay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho Tallaadadii lagu hayo aagga ay haystaan koox Islaamiyiin ah oo xagjir ah.

Warar laga helayo dhinaca dowladda Soomaaliya, ayaa sheegaya in ciidamo u shaqaynayay wasiirka arrimaha gudaha ay hotel-ka ka kaxaysteen ragga, balse waxaa la sheegayaa in ay la tageen meel ay ka taliyayaan kooxda Xisbul Islaam.

Waxaa kaloo jira warar sheegaya in kooxda kale ee Al-Shabaab ay isku dayayeen in ay gacanta ku dhigaan ragan, oo la shaqaynayay dowladda ku meelgaarka ah.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin