|
Xuquuqda aadanaha ee Somaliland
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Hey'adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay ka soo saartay xaaladda xuquuqda aadanaha ee Somaliland
ku muujisay walaac.
Hey'adda oo magaalada Hargeysa ka soo saartay warbixin 56 bog ah, ayaa waxa ay magac uga dhigtay in dimuqraadiyadda aan lugaha adag ku taagneyn ee Somaliland ay ku jirto qatar. Agaasimaha fullinta hey'adda xuquuqda aadanaha ee Samatalis, Ibraahim Xaaji Muuse Wacays, oo ka mid ah hey'adaha doorka ku lahaa warbixinta ayaa BBC uga waramay arrimaha ugu waaweyn ee lagu soo bandhigay. Hey'addu waxay warbixinteeda kaga hadashay doorashooyinka madaxtinimada Somaliland oo laba jeer dib loo dhigay, taasi oo ay sheegtay inay masiibo ku noqon karo nidaamka dimuqraadiyadda. Warbixinta ayay Human Rights Watch sheegtay inay sameysay daraasad, taasi oo intii ay ku guda jirtay ay wareysi ka qaaday saraakiil dowladda ka tirsan, mucaaradka, urrurada bulshada, dad u dooda xuquuqda aadanaha iyo dhibanayaal intaba. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||