|
Dagaal kulul oo ka dhacay Muqdisho
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaallo kulul uu ka socdo qeybo ka mid ah magaalada.
Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada dowladda KMG ah iyo kooxaha ka soo horjeeda. Dad badan oo rayid ah ayaa wararku sheegayaan inay ku dhinteen dagaallada qaar kalena ay ku dhaawacmeen.
Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo ku lug leh dagaalka ayaa wareysi uu siiyay BBC ku sheegay in dagaalka ay guul ka raageen dhinacooda, oo ay ku qabteen labo qof oo ajnabi ah oo sida uu sheegay ay saxaafadda usoo bandhigeen. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka maanta lagu dilay saraakiil sare ka tirsan ciidanka dowladda, taasi oo Salaad Cali Jeelle qudhiisu qirtay in qasaaro uu soo gaaray. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||