|
Axmed Siilaanyo oo dhaawac ka soo gaaray misigta
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ee Somaliland Axmed Maxamed Maxaamuud Siilaanyo ayaa saaka waxaa soo gaaray
dhaawac fudud oo dillaac ah oo ka gaaray misigta, kadib markii uu ku turun turooday jaran-jarada gurigiisa Magaalada Hargeysa.
Warkan waxaa lagu caddeeyay war-saxaafadeed kooban oo galabta ay soo saareen xisbiga Kulmiye oo uu ku saxiixan yahay Guddoomiye Ku-Xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdilqaadir oo sheegay in dhakhaatiirtu caddeeyeen jabniinkaasi misigta oo fudud. Haddaaba Weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa Caawa gurigiisa ku booqday Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Kulmiye Axmed Siilaanyo oo dadweyne fara badani iyo masuulyiini booqanayeen, isagoo weriyuhu caddeeyay inuu fiicnaa caafimaadkiisu oo uu la sheekeystay. Axmed Saciid Cige wuxuu weydiiyay Axmed Siilaanyo xaaladdiisa caafimaad. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||