BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
10 Julaay, 2009, 15:22 GMT; 18:22 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Warbixinno muujinaya dambiyo dagaal
 
Navi Pillay
Navi Pillay waa Madaxa Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay inay jiraan warbixino lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in labada dhinaca ee colaadda Soomaaliya ka jirta u dhexeyso, ay ku keceen xadgudub xuquuqda aadanaha, ayna dhici karto in ay jiraan dhowr dambi dagaal oo la galay.

Madaxa xuquuqda adanaha ee Qaramada Midoobey Navi Pillay, ayaa sheegtay in goob joogayaal ay shegeen in dagaalyahaniin taabacsan dowlada iyo Islaamiyiinta kacdoonsan ay adeegsadaan, jir dil, kuna tuuraan hoobiyayaal goobaha dadka rayidka ahi deggan yihiin si aan loo aabba yeelin.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in kooxaha kacdoonka wada, ay abuurteen maxkamado, qaada xukunnada dilka ah oo lagu fuliyo in dhagax wax lagu dilo iyo in wax la bireeyo.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin