|
Barakaca oo ku sii baahaya Muqdisho
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Dagaalada ka socda magaalada Muqdisho, ayaa ku sii baahay deegaano dagaaladii hore ee Muqdisho ka dhici jiray aysan dadwaynuhu
ka cararin.
Dagaalkii ugu dambeeyay, ayaa ka dhacay saaka degmada Dharkeynleey ee magalada Muqdisho , dagaalku wuxuu dhex maray ciidamda Dolwada ku meelgaarka ah iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda. Si aan wax uga ogaano xalada degaankaas iyo sida wax u dhaceen ayaan la xiriirtay hooyo degan degaanka dagaalku ka dhacay waxaan weydiiyey, halka ay magaaladu ka degan tahay.
Deegannada Gubadleey iyo Ceelcadde ee Muqdisho kaga beegan dhianca Waqooyi, ayaa waxey ka mid yihiin goobaha loo qaxay, kadib markii dagaalku gaaray degmada Kaaraan iyo degmooyin kale Hadaba Maxamed Nuur Xassan oo ka mid ah dadka deggan Karaan balse hadda qoyskiisa ula cararay degaanka Galgalato oo u dheexeeya, Gubadleey iyo Ceel Cadde, ayaan taleefonka kula xiriiray, waxaana ay weydiisey xaaladaha ay muteen ee hadda ay ku nool yihiin, waxaanse marka hore ay weydiisey degmada uu degaanaa ee uu dagaalada uga awgood uga cararay.
Dhibaatooyinka hoy, cunto iyo dawo la'aanta barakacayaasha, ayaa dhaliyay in cabashooyin ay dhigayaan dadka dhibaataysan. Dadka u cararay deegaanka Calamada ee inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye ku yaalla, ayaa saaka dibadbax dhigay, kaasoo ay kaga cabanayaan xaaladaha nolosha ee sii xumaanaysa. Banaabaxa cabashada ah ee maanta kalkaas ka dhacay ayaan ka wareystay Jawaahir Axmed Cilmi oo ka mid ah hooyooyinka u barakacay goobtaas, isla markaasna ka tirsan horjoogayaasha barakacayaasha. Waxan weydiiyey Jawaahir, waxa banaanbaxu ku saabsanaa.
Magaalada Muqdisho, ayaa dadkii ugu badnaa ay cararayeen guryahooda laga soo bilaabo sanadkii 2006-da oo ciidamada Ethiopia ay galeen magaalada Muqdisho, xilligaas oo xaafado ka mid ah magaalada ay gabi ahaanba ka barakaceen dadkii deganaa, si xoog lehna ugu burbureen madaafiicdii iyo dagaaladii u dhaxeeyay ciidamada Ethiopia oo la safnaa ciidamada dowladda iyo kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeday. Dagaalada todobaadyadii ugu dambeeyay, ayaa iyaguna xoogooda saameeyay goobo horay u xasiloonaa magaalada Muqdisho sida degmada Kaaraan oo markii ugu horaysay dhowr iyo toban sano ay dadku ku qasbanaadeen in ay ka cararaan guryahooda. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||