BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
09 Julaay, 2009, 11:54 GMT; 14:54 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Madaxwaynaha oo Muqdisho ku laabtay
 
Sharif iyo Zenawi
Madaxwayne Sharif iyo Ra'iisul wasaare Meles Zenawi
Madaxwaynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ku laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu safar ku soo maray dhowr dal oo ka mid ah urur goboleedka IGAD.

Wuxuu soo maray magaalada Addis Ababa, oo xarun u ah midowga Africa, iyadoo uu la kulmayna madaxda dalka Ethiopia oo uu ka mid yahay, ra'iisul wasaare Meles Zenawi. wuxuu kaloo tagay dalalka Uganda iyo Djibouti, oo uu kula kulmay madaxwaynayaasha dalalkaas.

Dhinaca kale, wadamada ku jira urur goboleedka ee IGAD, ayaa ugu baaqay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in uu cunaqabatayn ku soo rogo Eritrea oo lagu eedeeyay in ay hubeyso xooggaga islaamiyiinta ee kacdoonka ka wada dalka Soomaaliya.

Urur goboleedka IGAD, oo Arbacadii ku shiray magaalada Addis abeba, ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya, iyadoo todobaadkii hore Midowga Africa shir madaxeedkii uu ku yeeshay magaalada Sirte ee dalka Libya uu ugu baaqay golaha amaanka QM in uu cunaqabatayn saaro Eritrea, lana soo rogo aagag aanay diyaaraduhu dul mari karin iyo go'doomin xagga badda ah, si looga hortago shisheeyaha galaya dalka Soomaaliya.

Haddaba isagoo sii xoojinaya ayaa wareysi ay la yeelatay wakaaladda wararka Reuter, R/wasaaraha ethiopia Meles Zenawi wuxuu sheegay in shisheeyaha ku qulqulaya Soomaaliya ay gaarayaan 2,500 oo nin oo jihaad doon shisheeye ah, oo ay ka bar bar dagaalamayaan kooxaha kacdoonka wada ee Islaamiyiinta ah.

Waxaa kale oo Zenawi uu ka hadlay nasasho dheer in uu gali doono marka uu xukunka ka dego, inkastoo uusan sheegin waqti rasmi.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin