|
Barakaca Muqdisho oo ka daray
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Hay'ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ayaa sheegtay inay jiraan dad tiro badan oo ka qaxaya Mudisho, dagaalada
sii badanaya ee u dhaxeeya Dowlada iyo Mucaaradka Islaamiyiinta awgood.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan laba boqol oo kun oo ruux ay bara kaceen siddeedii toddobaad ee ugu danbaysay. Waa barakacii ugu waynaa tan iyo intii Ethiopia ay wadanka soo gashay horraantii 2007dii. Dadka badankood waa markii ugu horaysay ee ay qaxaan tan iyo intii dagaalka sokeeye uu bilaabmay labaatan sano ka hor, sababta oo ah waxay deganaayeen xaafado nabad ah. Kaaraan iyo Shibis oo in mudda ahba ka mid ahaa xaafadaha Muqdisho ugu danbdoon ayaa hadda laga qaxay. Waxaa xirmay suuqyo waaweyn sida Suuq-Bacaad, Suuqa Monopolio iyo Suuqa Kaaraan. Dadku waxay u qaxeen meelo ay ka mid yihiin Ceel-Cadde, qaar kalena magaalada gudaheeda ayay ku qaxeen. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||