|
Roger Federer oo dhigay taariikh
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Roger Federer ayaa waxa uu noqday cayaaryahankii ugu horeeyay ee ku guuleeysta 15 koob oo ah kuwa ugu waaweyn ee cayaaraha
Teniska adduunka, kadib markii uu ka bediyay Andy Roddick.
Roger oo u dhashay waddanka Switzerland, ayaa shan wareeg, oo ahayd cayaartii ugu dheereyd oo muddo afar saac ka badan uga bediyay Andy Roddick oo isna u dhashay waddanka Mareykanka. Federer waxa uu ku badiyay 5-7 7-6 (8-6) 7-6 (7-5) 3-6 16-14, taasi oo u noqotay koobkii 15aad ee cayaaraha Teniska adduunka ugu waaweyn ee uu qaado. Sanadkii hore ayuu ku guuldareystay isla koobkan Wimbledon, markii uu ka bediyay cayaaryahan Rafael Nadal. Roger Federer, oo ah 27 jir ayaa waxa uu ku laabanayaa inuu noqdo cayaaryahanka ugu sareeya Teniska, oo hadda uu ka dulmaro Nadal. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||