|
Qeybdiid oo ka hadlay dagaallada Muqdisho
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Taliyaha ciidanka booliiska ee dowladda KMG ah Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in kooxaha mucaaradka ee ka soo horjeeda
dowladda ay u adeegayaan danno shisheeye.
Cabdi Qeybdiid ayaa wareysi uu siiyay BBC ku sheegay in taageerada ay mucaaradku ka helaan ajnabiga ay markii hore ahayd mid farsamo iyo tababar, laakiin haatan ay ku soo biirayaan dagaalyahano. Taliyaha booliiska ayaa sheegay in uu ku qiyaasayo in toddobaad walba ay u yimaadaan mucaaradka kumanyaal ajnabi ah oo uu sheegay inay dagaal kula jiraan sidii ay uga hortagi lahaayeen. Horey ayaa madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya ugu sareysa, Madaxweynaha, Guddoomiyha baarlamaanka iyo Ra'iisul Wasaarahaba ugu eedeeyeen in mucaaradku ay taageero ka helaan ururka al-Qaacida. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||