|
Mareykanka oo cambaareeyay waddanka Niger
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Waddanka Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweynaha Niger Mamadou Tandja isku deygiisa uu ku doonayo in xilka uu ku dheereysto,
uu ku wiiqayo toban sano oo hannaan dowlad wanaag ah uu ka jiray waddanka Niger.
Labadda waddan ee ugu awoodda badan galbeedka Africa waa Nigeria, sababtoo ah bedkeeda inta uu la eg yahay iyo saliidda ay qaniga ku tahay, iyo waddanka Faransiiska sababtuna waxay tahay isna waxa uu horey u gumeysan jiray waddamo badan oo xiriir uu la leeyahay iyo saameynta uu ku leeyahay waddamo badan oo ku hadla luqadda Faransiiska ee ku yaalla gobolkaasi. Wasiirka arrimaha dibedda ee faransiiska Bernard Kouchner ayaa sheegay xiisaadda uu abuuray madaxweynaha Niger ee ah inuu isku dayayo in uu xafiiska sii joogo mar saddexaad muddo shan sano ah, sida uu yiri ay tahay qatar, Waxa uu ku booriyay Madaxweyne Mamdou Tandja oo 71 jir ah, inuu tixgeliyo nidaamka dastuurka.
Shirkad Faransiis ah ayaa iminka qorsheyneysa inay maalgelin dhan bilyan lacagta Euro ay ku sameyso Yuraniyamta Niger ay qaniga ku tahay. Labadda waddan ayaa la xusay maadaama webigo Niger uu dhexmaro labadoodaba. Qowmiyadaha ka soo jeeda Nigeria iyo Niger ayaa isku barbar ah marka la eego xuduuda ay wadaagaan, waxaana xusid mudan inuu jiro ganacsi xoog leh oo ka dhexeeya labada dhinac. Nigeria ayaa iyadu waxay ku boorineysaa in xal nabadgelyo ah lagu dhameeyo muranka ku saabsan xilliga xafiiska Madaxweynaha Niger. Waxaana tusaale ah. Madaxweynihii hore ee waddanka Nigeria Olusegun Obasanjo, oo isagu isku dayay inuu balaarsado xilligiisii xafiiska kadib markii ay laba jeer u dhamaatay, laakiin ugu danbeyntii waa uu isaga degay markii cadaadis ay bulshadu daartay. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||