|
Indha Cadde: "Waa Mooryaan diimeed"
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Wasiiru Dowlaha Difaaca ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya,Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa sheegay in kooxaha la dagaallamaya
dowladda aanay dooneyn in diinta islaamka la isku xukumo.
Indha Cadde, ayaa wareysi uu siiyay BBC ku sheegay in uu ka mid ahaa dadkii aasaasay al-Shabaab, balse uu yiri ay ka leexdeen ujeedadii ay u socdeen, isagoo ku tilmaamay inay yihiin Mooryaan diimeed. Yusuf Indha Cadde, waxa uu sheegay in dagaalladii ugu danbeeyay ay saraakiil badan kaga dileen kooxaha mucaaradka, oo uu sheegay in ay ku jiraan qaar ajnabi ah. Waxa uu sheegay inay hayaan meydadka qaar ka mid ah mucaaradka oo ay ku dilleen dagaalka, kuwaasi oo uu sheegay inay doonayaan
in ay saxaafadda tusaan. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||