http://www.bbcsomali.com

25 Juun, 2009, 11:45 GMT; 14:45 SGA

Muqdisho: Afar will oo lug iyo gacan laga gooyay

Afar nin oo dhallinyaro ah ayaa maanta Muqdisho gacan iyo lug ay ka gooyeen midkiiba kooxda la baxday Shabaab Mujaahiddiin.

Wiilasha ayaa laga gooyay midkiiba lugta bidix iyo gacanta midig, waxaa lagu xukumay inay xatooyo ku keceen.

Meesha lagu ciqaabayay waxay ahayd fagaare la isugu soo baxay si loo daawado.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in wiilasha ay baabuurta dhaawaca oo sugaysay ula carartay isbitaalka iyaga oo xanuun la qaylinaya.

Shabaab ayaa ku eedeeyay wiilashani inay xadeen Telefoonno mobile ah iyo Bistoolado.

Isniintii ururka xaquuqda bini aadanka Amnesty International ayaa ugu baaqday Shabaab inaysan fulin ciqaabta.

Shabaab oo maamula qaybo badan oo Soomaaliya ka mid ah, ayaa dagaal kula jira dowlada Ku-Meel-Gaarka ah ee Somalia oo uu Hogaaminayo Sharif Shiikh Axmed.