http://www.bbcsomali.com

21 Juun, 2009, 18:53 GMT; 21:53 SGA

al-Shabaab oo ka digtay ciidamo shisheeye

Maleeshiyada islaamiga Al Shabab ee Soomaaliya ayaa digniin ku bixiyay inay la dagaallami doonaan wixii ciidan shisheeye ah ee u yimaada inay caawiyaan dowladda ku meel gaarka ee Soomaaliya.

Digniintani, waxay la xiriirtaa baaq uu shalay jeediyay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo waddammada deriska ka codsaday inay ciidan u soo diraan muddo 24 saac gudahood ah.

Al Shabab iyo maleeshooyin kale waxay kordhiyeen weerarrada ay ku hayaan dowladda, oo iyadu maamusha qaybo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo meelo kale oo aan badneyn.