17 Juun, 2009, 11:40 GMT; 14:40 SGA
Will Ross
BBC Nairobi
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saaka waaberigii hore waxa ay weerar ku qaadeen fadhiisimo ay ay lahaayeen kooxaha mucaaradka, taasina waxa ay keentay in dagaal culus uu ka qarxo xaafadda Hodan ee magaalada Muqdisho.
Afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in taliyihii ciidamada booliiska ee magaalada Muqdisho Colonel Cali Saciid lagu dilay dagaalkan ugu danbeeyay.
Tani waxa ay dib u dhac weyn ku tahay ciidamada taabacsan dowladda Soomaaliya, iyadoo Colonel Cali Saciid uu inta badan ku jiray jiidda hore isagoo ku dhiirigelinayay saaxiibadiisa inay difaacdaan goobaha ay gacanta ku hayaan.
Wejigan ugu danbeeyay ee dagaalada 18 ka sano ka socda waddanka Soomaaliya, kooxaha Al-shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa waxa ay isku dayayaan inay awoodda ka tuuraan dowladda aan tabarta lahayn ee Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed.
Dad goob joog ah ayaa arkay, maliishiyo ka tirsan mucaaradka oo madaxa ay cimaamado ugu xiran yihiin, oo hub iyo rasaas garbaha ku sita kuwaasi oo ka imanayay dulleedka Muqdisho si ay dagaalka ugu soo biiraan.
Dadka deegaanka ayaa isku dayaya inay helaan gabaad, laakiin madaafiicda dhinacyada dagaallamaya ay is weydaarsanayaan ayaa lagu soo waramay in sideed qof ay ku dhinteen, oo badankood ay ahaayeen dad rayid ah.
Waxaa jira warar sheegaya in dagaalku uu aad ugu dhawaa saldhig ay joogaan ciidamada Midowga Africa, iyadoo ay ciidamada Africa madaafiic ku rideen meelaha ay ku xoogan yihiin mucaaradka.
Si kastaba ha ahaatee saraakiil ka tirsan ciidamada midowga Africa ayaa beeniyay inay ku lug leeyihiin dagaalka.