http://www.bbcsomali.com

12 Juun, 2009, 14:51 GMT; 17:51 SGA

Maxamed Ibrahim Macalimu
BBC Mogadishu

Dhaqanka Soomaalida ee dagaallada sokeeye

Barnaamijka Falanqeynta ee toddobaadkan waxa aan ku soo qaadi doonaa dood ku saabsan dhaqanka Soomaalida ee ku wajahan dagaalka.

Falanqeynta

Waxaa ka qeybgalaya Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka hadlaya waxyaabaha sababi jiray in Soomaalidu isku khilaafaan ee ay ku dagaallamaan, iyagoo is barbar dhigaya dhaqankii hore ee Soomaalida ee xagga dagaaladda iyo isbeddelka ku yimid sanadihii danbe.

Dooddan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaa ka qeybgalaya Axmed Faarax Cali "idaajaa", Maxamed Cumar dhalxa iyo Xuseen Shiikh Axmed "kadare".