|
1-da July waa maalinta xornimada Soomaaliya
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
1-da July, waa maalinta xornimada Somalia.
1-da July waxaa kale oo ay u taagan tahay maalintii dhulkii la oran jiray British Somaliland uu la midoobay Italian Somalind. Waxaa maalintaas laga joogaa 49 sano. Soomaalida maalintaas u dabbaaldegeyda waxaan leennahay ciid wanaagsan.
Si aan xuskaas ugala qeyb qaadanno dhegeystayaasha BBC, waxaan halkan idiinkugu soo bandhigeynaa laba barnaamij oo koob kooban oo labaduba taariikhda ku salaysan. Barnaamijka hore waa xuskii weriyayaashii BBC ay u sameeyeen xuska maalinta 1-da July, sannadkii 1969. Barnaamijkaas waxaa daaddihinaya Axmed Ismaaciil Samatar, waxaana kala qeyb qaadanaya Cusmaan Xasan iyo Ismaaciil Xaaji Cabdi.
Xubintan kale waa wareysi uu Allaha u naxariistee, Madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya, Aden Cabdulle Cusmaan (Aden-Cadde), uu magaalada Muqdisho ku siiyay Yusuf Garaad sannadkii 1995.
Wareysiga Aden-Cadde iyo warbixinta ka horreysay labadaba waxaad ka dhegeysan kartaan barta internet-ka ee BBCSomali.com. Waddanka Jabuuti waxaa isna uu xornimada ka qaatay waddanka Faransiiska 27 June sanadkii 1977. halkan ka dhageyso
|
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||