|
Afhayeenka AMISOM Barigye Ba-Hoku oo ka hadlaya xaaladda
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho, Barigye Ba-Hoku ayaa sheegay in aanay marnaba bar
tilmaameedsan dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Barigye Ba-Hoku, oo soo booqday daarta Bush House ee BBC ayaa wareysi uu siiyay laanta Af-Soomaaliga ee BBC waxa uu kaga hadlay xaaladda ay ku sugan tahay magalaada Muqdisho iyo doorka ay ciidamadoodu ka qaataan dhinaca nabadgelyada. Barigye Ba-Hoku, ayaa waxa uu sheegay in ciidamadoodu ay ku joogaan qorshe uu dejiyay ururka Midowga Afrika, isla markaana uu ka gedisan yahay nidaamkii ay ciidamada Ethiopia ku joogeen Soomaaliya, oo uu ku tilmaamay inu ahaa heshiis u dhexeeyay dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Ethiopia. Afhayeenka AMISOM waxa uu sheegay in ujeedada ciidamadooda ku sugan Muqdisho ay tahay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen
nabad laga dhaliyo Soomaaliya. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||