BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
25 Juun, 2009, 18:29 GMT; 21:29 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Mareykanka oo hubeynaya Soomaaliya
 
Golaha Ammaanka ee QM
Golaha Ammaanka ee QM
Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in ay hub u dirtay dowladda Soomaaliya ee qilqiisha ku jirta.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa sheegtay in Mareykanku hub u diray Soomaaliya, ka dib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu markan fasaxo in hubka la geeyo Soomaaliya, ka sokow cunaqabateynta saaran.

Sabtidii ayay dowladda Soomaaliya codsatay in kaalmo militeri lala soo gaaro si ay ula dagaallanto dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Shabaab, oo dhowaan dhul aad u badan ka qabsaday dowladda.

Weriye BBC ka tirsan oo gobolka jooga, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, ay hore lacag uga heshay dowlado galbeed ah, hase yeeshee ay tahay markii ugu horreysay ee hub weyn macna leh ay ka hesho galbeedka.

Dowladda Mareykanku waxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay weydiisatay in Mareykanka loo oggolaado in uu hub u diro dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

Sababta uu Mareykanku oggolaashaha u weydiistay Qaramada Midoobay, waxay tahay in Soomaaliya ay saaran tahay cunaqabateyn xagga hubka ah.

Waraaq u muuqata in uu saxiixay Ku xigeenka wakiilka Mareykanka u fadhiya Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, Alejnandro D. Wolff, ayaa codsigan uu Mareykanku ku soo gubdiyay.

Waxay waraaqdu muujineysaa in Mareykanku uu doonayo in uu hub siiyo Dowladda Soomaaliya ee Ku-Meel-Gaarka ah.

Hubkaas oo culeyskiisu yahay 19 tan, waxaa uu isugu jiraaaa rasaas iyo hub ay ka mid yihiin qoryaha darandoorriga u dhaca iyo moortarro (hoobiyayaal).

Hubkaas waxaa waraaqda ku qoran in Uganda laga dhoofinayo oo la geynayo Soomaaliya iyada oo xagga hawada la isticmaalayo.

Xoogagga dowladda taageersan ayaa dagaal kula jira kooxo la rumeysan yahay in ay xiriir la leeyihiin al-Qaacida.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin