 |
|
| Shabaab waxa uu ku jiraa liiska argagaxisada ee Mareykanka |
Maleeshiyada islaamiga Al Shabab ee Soomaaliya ayaa digniin ku bixiyay inay la dagaallami doonaan wixii ciidan shisheeye ah
ee u yimaada inay caawiyaan dowladda ku meel gaarka ee Soomaaliya.
Digniintani, waxay la xiriirtaa baaq uu shalay jeediyay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo waddammada deriska ka codsaday
inay ciidan u soo diraan muddo 24 saac gudahood ah.
Al Shabab iyo maleeshooyin kale waxay kordhiyeen weerarrada ay ku hayaan dowladda, oo iyadu maamusha qaybo ka mid ah magaalada
caasimadda ah ee Muqdisho iyo meelo kale oo aan badneyn.
|