BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
21 Juun, 2009, 15:46 GMT; 18:46 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Ethiopia oo ku gacanseyrtay inay ciidamo dirto
 
maliishiyo
Kooxaha Islaamiyiinta ayaa dagaal kula jira ciidamada dowladda
Dowladda Ethiopia ayaa diiday codsi uga yimid dowladda KMG ah ee Soomaaliya, oo ay ku dalbatay ciidamo ka caawiya sidii ay ula dagaallami lahayd kooxaha Islaamiyiinta ah ee mucaaradka ah.

Ethiopia waxa ay sheegtay in faragelin militeri oo Soomaaliya ay ku sameeyaan ay u baahan tahay qorshe caalami ah.

Wasiirka Warfaafinta ee dowladda Ethiopia Bereket Simon ayaa sheegay in haddii ay fara gelin sameynayaan loo baahan sharciyad caalami ah, oo loogu oggolaanayo inay galaan waddanka Soomaaliya.

Waxa uu intaa ku daray in beesha caalamku ay tahay inay caawiso dowladda KMG ah ee Soomaaliya, ee aanay ku koobneyn waddamada deriska ah oo keliya.

Shalay ayaa Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur waxa uu ka codsaday waddamada deriska la ah Soomaaliya inay ciidamo ugu soo diraan muddo 24 saac gudahood ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in waddanku qatar ugu jiro wax ay ugu yeereen argagaxiso caalami ah oo dooneysa inay saldhig ka dhigato waddanka Soomaaliya.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin