BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
18 Juun, 2009, 11:25 GMT; 14:25 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Tirada dadka ku dhintay oo sii korortay
 
Cumar Xaashi
Cumar Xaashi Aadan waxa uu ahaa Wasiirka Amniga ee dowladda
Tirada dadka ku dhintay weerarkii is qarxinta ee shalay lagu dilay Wasiirkii amniga ee dowladda Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan, ayaa haatan gaartay ilaa soddon iyo shan.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Xagar, ayaa BBC-da u xaqiijiyay in ay qarax bomb baabuur ay ku dhinteen wasiirkii amniga qaranka ee dowladda ku meelgaarka, Cumar Xaashi Aadan iyo safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay magaalada Addis Ababa, Cabdikariin Faarax Laqanyo iyo dad kale oo ay ku jiraan qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale, Madaxwaynaha dowladda Ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay dilka wasiirkii amniga iyo safiirkii hore ee Soomaalida u fadhiyay magaalada Addis Ababa.

Taariikh nololeedka Wasiirka Amniga

Cumar Xaashi Aadan oo ahaa wasiirka amaaanka isla markaana ka tirsanaa baarlamaanka, dilkiisu waxa uu sababi karo ma cadda laakiin markasta waa jug weyn oo soo gaartay dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.

Cumar Xaashi Aadan waxa uu ka tirsanaan jiray saraakiishii militeriga Soomaaliya waxaana uu ka mid ahaa, ragga markiiba kaalin weyn ka qaatay siyaasadda Muqdisho, in yar kadib markii uu burburay Qaranka Soomaaliya horaantii 1991.

Waxaa uu ka mid ahaa Hogaamiye kooxeedyadii bari hore gacan saarka la yeeshay ciidamada Ethiopia, laakiin sanadkii 2006, bishii dec markii ciidamada Ethiopia ay qabsadeen gobollo badan oo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya oo ay ka mid tahay caasiamada Muqdishoi.

Cumar Xaashiw waxa uu ka mid noqday isbahaysiga dib u xoreynta kaas oo dagaal la galay ciidanka Ethiopia ee ku sugnaa gudaha Soomaaliya.

Waxa uu ka mid ahaa mas'uuliyiintii isbahaysiga ugu hooreeyay ee ka soo guurra magaalada Asmara ee waddanka Eruitrea oo xaruun u ahayd isbahaysiga.

Waxaana uu galay gudaha Soomaaliya halkaasi oo uu ka qeybgalau dagaal dhuumaaleysi ah oo ka dhan ahaa ciidamada Ethiopia.

Hadda inta aanu Beledweyne soo gaarin waxa uu ka yimid magaalada Godey ee dalka Ethiopia.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin