BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Shirka kooxda xiriirka oo la soo afjaray
 
shir
Shirka kooxda xiriirka caalamiga ah waxa uu socday laba maalmood
Magaalada Rome ee waddanka Talyaaniga ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay shirkii 15aad ee kooxda xiriirka caalamiga ee Soomaaliya.

Shirkan oo uu shir guddoominayay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Axmed Walad Cabdalla ayaa waxaa uu socday muddo laba maalmood ah.

Shirka oo ay ka qeybgaleen waddamo ururro daneeya arrimaha Soomaaliya, ayaa waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa xaaladda ammaanka Soomaaliya iyo dhibaatada burcad badeedda.

Gabagabadii shirka ayaa war murtiyeed laga soosaaray waxaa lagu cambaareeyay kooxaha mucaaradka ee la dagaallamaya dowladda, iyadoo lagu sheegay in kooxdu taageersan tahay in xalka nabadda Soomaaliya lagu gaaro wada hadal.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin